29.9 C
Mogadishu
Monday, November 2, 2026
SO
EN
HomeUncategorizedMadaale oo Si Adag uga Horyimid Musharaxnimada Mungaab iyo Xisbiga JSP oo...

Madaale oo Si Adag uga Horyimid Musharaxnimada Mungaab iyo Xisbiga JSP oo Gashay Kala Tagi Siyaasadeed”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Shiikh Yuusuf Jimcaale Madaale, ayaa si adag uga hor yimid go’aanka Xisbiga JSP ee lagu magacaabay Yuusuf Xuseen “Mungaab” inuu noqdo musharaxa xisbiga u matalaya doorashada Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay talaabadaas, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan laga tashan. Wuxuu intaas ku daray in xubno ka tirsan xisbiga ay si deg-deg ah ugu dhawaaqeen go’aan aan waafaqsaneyn nidaamka iyo habraaca xisbiga.

“Waan ka xumahay in xubno ka mid ah xisbiga ay qaadaan tallaabo aan laga wadatashan. Xisbiga JSP wuxuu leeyahay nidaam cad oo la maro marka la dooranayo musharax, waana in la dhowraa shuruucdaas,” ayuu yiri Madaale.

Khilaafkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo ismaan-dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya garabkii hore ee hoggaanka JSP iyo xubno cusub oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan doorashada soo socota ee duqa caasimadda.

Portfolio

Ilo ku dhow xisbiga ayaa sheegay in kulamo xalka lagu raadinayo ay hadda socdaan, hase yeeshee illaa hadda xisbiga JSP kama soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan hadalka Madaale.

Khilaafkan cusub ayaa muujinaya xaalad siyaasadeed oo kacsan oo ka dhex taagan xisbiga, xilli uu isu diyaarinayo doorashada maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments