Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, halkaas oo uu magaalada Rome kula kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto.
Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, labada Wasiir ayaa isla garay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qaybta ka ah Qorshaha Mattei ee Talyaaniga, kaas oo lagu taageerayo horumarinta iyo xasilloonida dalalka Afrika.
Wasiirrada Fiqi iyo Crosetto ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, horumar iyo xasillooni gobolka Geeska Afrika.






