29.9 C
Mogadishu
Monday, November 2, 2026
SO
EN
HomeUncategorizedMadaxweyne oo sheegay hadal kadhan ah Moqdisho

Madaxweyne oo sheegay hadal kadhan ah Moqdisho

Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadal kulul ka jeediyay arrimaha Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dood kasta oo ku saabsan cidda leh Muqdisho aysan waxba ka beddeli karin kaalinta ay caasimad ahaan ku leedahay dalka.

Deni ayaa yiri:

“Haddii aad dhahdaan Xamar anagaa leh, ogaada waxay hoos u dhigi doontaa milgaha caasimadda Soomaaliya. Xamar waxaa ka jira maamulada goboleedyada oo mid walba leeyahay dejintiisa siyaasadeed.”

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha awood-qaybsiga, maamulka khayraadka iyo qaabka loo wajahayo isbeddelada dastuurka.

Deni ayaa tan ku sheegay in maamul-goboleedyadu ay kaalin cad ku leeyihiin dhismaha dowladda dhexe, isla markaana aysan suuragal ahayn in Muqdisho loo adeegsado siyaasad gaar u ah koox ama maamul kaliya.

Hadalkaas ayaa u muuqda fariin ku wajahan Muqdisho, isla markaana bidhaaminaysa mowqifka adag ee Puntland ay ka taagan tahay qaabka federaalka iyo xiriirka dowladda dhexe.

Portfolio

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments