Diyaarad helicopter ah oo ka tirsan ciidamada Uganda ee howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa burburtay iyadoo ku sii degaysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan shan askari oo Ugandheys ah ayaa ku dhintay, halka sadex kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa xaqiijiyay in helikobtarka uu lahaa ciidankooda, isla markaana uu ku jiray howlgal caadi ah oo qayb ka ah dadaalka lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya. Burburka ayaa dhacay saacado kooban kadib markii ay diyaaradu soo gashay hawada Muqdisho.
Warar hordhac ah oo laga helayo ilo sirdoon ayaa muujinaya in burburka uu ka dhashay cilad farsamo, balse baaritaan rasmi ah ayaa wali socda si loo xaqiijiyo sababta rasmiga ah. Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaa xirtay aagga uu shilku ka dhacay, iyagoo bilaabay gurmad degdeg ah.
Tani waxay noqoneysaa dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee hawada laga diiwaan geliyo tan iyo markii AUSSOM la wareegtay mas’uuliyadda ATMIS horaantii sanadkan.

Xog dheeri ah:
Howlgalka AUSSOM waxa uu beddelay ATMIS bishii Janaayo 2025.
Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka tirsan AUSSOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amaantay ciidamada gurmadka degdega ah dadaalkooda xilliga shilka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in aan la joojin doonin howlgalka nabad-ilaalinta, inkasta oo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo khataro dhanka amniga ah.



