27.9 C
Mogadishu
Monday, November 2, 2026
SO
EN
HomeMaqaalCiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-Shabaab ka saaray tuulooyin muhiim ah...

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-Shabaab ka saaray tuulooyin muhiim ah oo ka tirsan Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo looga gol lahaa in lagu baabi’iyo saldhigyo Al-Shabaab ku lahaa dhulka miyiga ah.

Tuulooyinka la xoreeyay waxaa kamid ah: Qeycad, Garsale, Dhagaxyaale iyo Cag-Libaax, kuwaasoo muddo sanado ah ay si buuxda u maamulayeen Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in kooxda looga furtay miinooyin badan iyo agab ciidan oo ay ka tagtay iyadoo carar ah.

“Waa guul u ah shacabka Soomaaliyeed iyo dowladnimada. Al-Shabaab waxay luminayaan maalin walba deegaanno istiraatiiji ah,” ayuu yiri sarkaal katirsan guutada 27aad ee ciidamada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in duqeymo cirka ah ay taageereen howlgalka dhulka, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn cidda fulisay.

Shacabka deegaanka oo lasoo baxay calanka Soomaaliya
Wararka laga helayo tuulooyinka la xoreeyay ayaa muujinaya in dadweynaha deegaanka ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaateen nadiifinta waddooyinka iyo guryaha looga tagay walxaha qarxa.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in kooxda Al-Shabaab laga saaro dhammaan gobolka Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments